Ganacsade saami ku leh SHIRKAD weyn oo suuqa Bakaaraha lagu toogtay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi ay koox hubeysan ku dileen Nin Ganacsade ahaa.

Ganacsadaha ayaa Magaciisa lagu sheegay Nuur Kheyr,kaas oo ilo ku sugan suuqa Bakaaraha sheegeen in uu ka mid ahaa saamileyda mid ka mid ah sharikadaha Hilibka ee ka jira Muqdisho.

Qof ka mid ah Shaqaalaha Sharikadda SOM Meat oo uu ka tirsanaa Nuur ayaa xaqiijiyay in lagu dilay Bakaaraha.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegayaa in ay isaga baxsadeen halkii ay dilka ka geysteen oo ah Waddada 2aad ee Suuqa Bakaaraha.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay ,iyaga oo goobta ka qaaday meydka Marxuumka.

Weli macada dadka ka dambeeya dilka Ganacsadaha iyo sababata loo dilay,balse dilkaan ayaa waxa uu ka mid yahay dilalka mar walba ka dhaca Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay lagu soo daadiyaya xaafadaha Magalada Muqdisho taas oo keentay in amaanka uu soo hagaago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com