Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka Urur Gobaleedka IGAD ee u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Maxamed Cali guy iyo Gudoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta ayaa waxaa ay ka wadahadleen Xiisada u dhexeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland, Xaalada Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug iyo Khilaafka u dhexeeya Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ka jira Dalka.
Ergayga Gaarka ah ee Urur Gobaleedka IGAD ayaa waxaa uu amaanay door wanaagsan ee aqalka sare ay ka qaadanayaan xal u raadinta Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ee Ka jira dalka.
Cali Maxamed Jaamac Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ayaa waxaa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid aad xasaasi u ah, islamarkaana uu soo dhaweeyay wakiilka dadaalka ay wadaan Aqalka Sare, kaasi oo ku aadan in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda Dowlada dhexe iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com