Arrin ay dowlada Sacuudiga ka fulisay Mareykanka oo caro xoogan ay ka dhalatay

Washington DC (Caasimada Online) – Muwaadin u dhashay dalka Sacuudiga ayaa wajahaya kiis dacwadeed la xiriira dil ka dhacay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Portland ee gobolka Oregon, kaasi oo ku laabtay dowladda Sacuudiga.

C/raxmaan Samiir Noorah, oo arday ka ahaa College ku yaala Portland ayaa lagu eedeeyay inuu dilay gabar 15 sano jir ah xili ay dooneysay inay goyso wadada sanadkii 2016, kadib markii gaari uu ku dhuftay kadibna uu baxsaday.

Labo todobaad ka hor  xiliga loo balansanaa dhageysiga dacwaddiisa, C/raxmaan Samiir ayaa la waayay , waxaana la baadi goobayay muddo badan.

Kadib waxaa la sheegay  in Noorah uu jaray aalad lugta looga xaray oo sheegeysa dhaqaaqiisa, waxaana masuuliyiinta ay sheegeen inuu helay baasaboor si sharci daro ah gacantiisa ku galay, oo ay u sameysay safaaradda Sacuudiga ee Washington, kaasi oo uu dalka uga baxsaday

Masuuliyiinta ku dabajira kiiska Noorah ayaa sheegay in diyaarad qaas ah uu ku baxsaday, Dowladda Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inay ka caawiyeen inuu ka baxsado dalka Mareykanka.

Tallaabada dowladda Sacuudiga ayaa aad uga carreysay shacabka iyo siyaasiyiinta Mareykanka, waxaana ay dalbanayaan inay soo gacan geiyaan ninkan, si maxkamad loo saaro.

Arrintan ayaa laga cabsi qabaa in Sacuudiga ay kusoo dirto sharci-dejiyayaasha Mareykanka oo horey usoo saaray qaraaro lagu cambaareeyey Sacuudiga kadib dilkii weriye Jamaal Khaashuqji.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com