25.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Maxkamada ciidamada oo toogatay ninkii masjidka ku dhex dilay Shiikh Madeer

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay toogatay ruuxii la sheegay inuu ka dambeeyay dilka Sheikh Madeer Madgaab Cali.

Sanadkii 2017 ruuxaasi ayaa masaajid ku dhexyaala magaalada Baydhabo ku dilay Sheikh Madeer, waxaana kadib qabtay ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo maanta xukunta dilka ah lagu fuliyay.

Ruuxa maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay toogatay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Aadan Cali Boorow, waxaana lagu toogtay fagaaraha Maanyafuulka oo ku yaala duleedka magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida Korneyl Xasan Cali Nuur Shuut ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha toogashada ka dhaceysay.

Sheikh Madeer ayaa la dilay sanadkii 2017 xili uu salaada Taraawiixda ku jiray, waxaana ruuxa loo qabtay horey xukunka dlka loogu riday, walow maanta lagu fuliyay xukunka.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimadaa@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News