Saameyn intee le’eg ayey SOOMAALIYA ku yeelan kartaa cayrinta HAYSOM?

Dawladda soomaaliya ayaa qaadday tillaabo aan horay looga baran, waxa ayna eriday ergaygii QM u fadhiyey soomaaliya, waana markii ugu horreysay ee soomaaliya ay go’aan ka gaarto ruux darajadaas leh ama gaarsiisan ergay iwm tan iyo burburkii ka dib.

Haddaba waxaa is wayddiin mudan saamayn intee le’eg ayaa ay yeelan kartaa in la eryo ergayga qarammada midoobay, innaga soomaaliya ahaanse maxaa dan ah oo inoogu jira go’aanka dawladdu qaadatay, mase jirtaa cid inoo buuxin karta booska laga yaabo in ay bannayso QM haddiiba ergaygoodii la cayriyey?
Su’aalahan jawaabahooda ayaa aan si kooban u taxliilin doonnaa haddii alle idmo.
Saamaynta ka dhalan karta eryidda wakiilka QM waxaa ugu wayn mid dhaqaale, maxaa yeelay waxa aan nahay qaran u nugul dhaqaala xumada haysata isla markaana ku tiirsan deeqo ay bixiyaan dalal shisheeye.
QM waxa ay dalka ka hayaan hawlo badan oo ay ugu horreyso kharashka ku baxa ciidammada amisom, taageeridda tababarrada SNA, taageeridda mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, waxaana xusid mudan in hawlo badan hayaan hay’adaha faraha badan ee ka tirsan QM ee dalka jooga walaw ay wax badanna kharribeen.
Haddaba xiriirka soomaaliya iyo QM oo xumaada waxa ay iila muuqataa mid yeelan kara saamayn ballaaran sababtuna waa xilliga aan ku jirno ayaa ah mid aan u adeegayn in aan khilaaf la galno cid dano badani inagala dhexayso. Ma nihin xilligaan qaran isku filan oo awoodi kara wixii dad uga xiran in uu isagu samaysto iwm, hadda ka dibse ma aqaan.
Intaas aan soo sheegay marka laga tago waxaa jira waxyaalo ummadkasta ay leedahay oo lama taabtaan ah, haddii la taabtana ay ka dhalan karto dhibaato walaw dhiigba haloo bixiyee. Waxaa ka mid ah waxyaalahaas karaamada iyo madax-bannaanida qaran leeyahay, waana waxa dawlad lagu yahay, oo haddii ay madax-bannaanidu lunto dawladnimo jiri mayso. Waxa kaliya ee soo dedejiyey go’aanka dawladda soomaaliya ayaa noqon kara in la taabtay mid ka mid ah waxyaalaha lama taabtaanka ah, waana madaxbannaanida qaranka, waana shaqada loo igmaday in ay ilaaliyaan madaxdeennu  kana hortagaan waxkasta oo lid ku ah karaamada iyo qarannimada ummadda.
Marka aan is barbar dhigno waxa uu ku kacay haysom, ee ah in uu ku xadgubtay madaxbannaanida qarankeenna, faragelinna ku sameeyey arrimaha u gaarka ah dalkeenna, waxa ay ila tahay in la taabtay mid ka mid ah waxyaalihii lama taabtaanka ahaa, taasi waxa ay inagu qasbaysaa in aynaan wax gorgortan ah ka galin wixii ku saabsan karaamadeenna iyo jiritaankeenna, waana waxa aan ku taageersannahay xukuumaddeenna sida ay go’aanka dadnimada leh uga qaadatay mudane haysom, maxaa yeelay dawladuhu waxkasta waa ka gorgortamaan balse madaxbannaanidu marna gorgortan ma gasho. Haddii ay timaaddo taageerada QM in ay noqoto mid ku xiran daandaansi iyo ku xadgudubka arrimaha dalkeenna waxa ay karaamadu ku jirtaa in aan ilaalinno dawladnimadeenna waxkastaba ha ka dhasheene.
Ugu danbayn, soomaalidu waxa ay arrintaan uga gudbi karaan iyada oo la muujiyo midnimo qaran, gaar ahaan shacabka soomaaliyeed ee aan u liicin gumaysiga iyo quursiga toona. Ummadda soomaaliyeed waxa ay awooddaa in ay bixiso inta QM bixiso iyo ka badanba haddii aan go’aansanno in aan buuxinno booskaasna waa aan awoodnaa.
Waxa ay ila tahay in tani inoo noqoto fursad ama darsi, fursad aan ku xoojin karno dhaqaalaheenna gudaha ama dakhliga qaranka si aan uga maaranno kaalmada shisheeye iwm. Sidoo kale in ay darsi inoo noqoto ah in dalkeennu uusan ku tiirsanaan karin qarammo shisheeye oo doonaya in ay toodu socoto.
W/Q: Abdullahi Abdirahman Gardaad
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid