27.3 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Guddoomiyaha Xamar Jabab oo sabab yaab leh shaqada looga joojiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in shaqada laga joojiyey guddoomiyaha degmada Xamarjabab ee gobolka Banaadir Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in sababta ay tahay kadib markii uu warbaahinta u ogolaaday iney duubtaan qaraxii 4-tii April ka dhacay agagaarka dugsiga tababarka booliiska ee General Kaahiye.

Lama oga inuu baartitaan socdo arrinkan la xiriira iyo in kale balse hey’adaha amniga ayaa dhowaan sheegay in warbaahinta aan loo ogolaan doonin iney horay ka tagaan goobaha qaraxa.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar waxaa uu xilka la wareegay Janaayo 8, waxaa uuna meesha jooga 3 bil.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan billowday dadaal xooggan oo ay ku xakameeneyso in warbaahinta ay tabiyaan xaqiiqoyinka ka jira Muqdisho, si loo yareeyo in shacabka ay ogaadaan guul-darrooyinka amni ee dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News