Axmed Madoobe oo safiirka UK u sheegay arrin ay si hoose u waddo DF Somalia

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyadoo gaba gabadii ay Saxaafada la hadleen.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Safiirka ay isla soo qaadeen shirkii Garowe iyo waxyaabahii la isku mari waayay iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Axmed Madoobe ayaa u sheegay safiirka UK in ay Dowlada Federaalku ay si hoose ugu waddo abaabul lagu khalkhal galinayo nabadgalyada Jubaland oo ay Xamar kasoo abaabulayso.

Waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad lacago lagu soo siiyay qorshahaas oo hadda ka howl-galaya deegaanada Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in Bulshada Caalamka iyo Safiirka ay la wadaageen Khatarta ay nabadgalyada ku keeni karto masuuliyadeedana arintaas ay qaadayso Dowlada Federaalka ah.

Dhana kale, Danjire Ben Fender ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta adeegyada mucaawinada iyo kuwa kale ee ay UK ku tageerto Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada hadleen Arimaha Abaaraha iyo xiliyadii roobka ee daahay oo dadka ree Jubbaland saamayn ku yeeshay.

Safiirku wuxuu sheegay in uu rajaynayo in abaaraha deegaanada qaar ka jira ay dadku kasoo kaban doonan.

Danjirahu Ingiriiska wuxuu sheegay in ay rajaynayaan in Doorashada Jubbaland ay ku dhacdo si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah kana fog fara galin dhinac walba leh.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com