25.4 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Maxaa ka jira inuu khilaaf soo kala dhex galay gudiga dib u heshiisiinta Galmudug?

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga dib u heshisiinta Galmudug, Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa beeniyey in khilaaf uu soo kala dhexgalay guddiga ay dowladda federaalka Soomaaliya  u xil saartay arrimaha maamulkaasi.

Baadiyow ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu laba garab u kala jabay guddigaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in heer gabogabo ah uu marayo shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee dhowaan ka furmi doona Dhuusamareeb.

“Dhismaha dawlad-goboleedka Galmudug oo ay dhistaan dhamaan beelaha Galmudug waa lagama maarmaan, Hordhaca dhismaha maamulkaas waa shirka dib-heshiisiinta oo ay horkacayaan hoggaanka dhaqanka, kana qayb galayaan qaybaha bulshada Rayidka ah, Qabanqaabada shirkaas waxey mareysaa gabagabo, War-xuma tashiilka iyo dicaayadaha been abuurka ah waa in laga waantoobo oo danaha dadka Reer Galmudug loo tura oo aan lagu milin khilaafaadka siyaasadeed”ayuu yiri C/raxmaan Baadiyow.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Cabdikaafi Maxamed Maxamuud oo ah xoghayaha guddiga qaban qaabada shirkan uu sheegay inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay xubnaha guddigga, islamarkaana ay u kala jabeen labo garab.

Shirkan ayaa labo jeer dib u dhacay, iyadoona ay weli jiraan caqabado u baahan in la xaliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News