Shacabka Raage Ceelle iyo ciidaanka xoogga dalka oo dagaal qarka u saaran

Raage Ceelle (Caasimada Online) – Abaabul dagaal iyo xiisad culus oo u dhaxeysa dadka degaanka iyo Milateriga Soomaaliya ayaa ka taagan xaafado ka tirsan degmada Raaga Ceelle ee gobalka Shabeellada Dhexe.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Odayaasha degaanka ay ka digeen in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay soo galaan degmadaasi, haddii ay dhacdana ay u arki doonaan ciidan duulaan ayna iska difaaci doonaan.

Sidoo kale Odayaasha muddo muddo 3 maalmood ah u qabtay ciidan dagan Iskuul ku yaala degmada, kuwaas oo diiday in ay ka baxaan Iskuulkaasi si waxbarashadooda usii wataan arday Iskuulka wax k abaran jirtay.

Odayaasha degaanka ayaa la sheegay in ay degmada ku ilaalinayaan Sarkaal ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo sida la sheegay baxsad ah kadib markii uu sheegay in si cadaalad darro ah loola dhaqmay.

Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage, ayaa dhawaan amray in la soo qabto Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Korneel Masdile.

Ciidankii amarka la siiyay ayaa todobaadkaan weeraray Kontarool degmada laga soo galo waxaana weerarkaas ku dhintay 2 qof, iyadoo ay ka qaateen 2 qori.