Kursiga beesha CALI GAAF ee GALMUDUG oo xal laga gaaray kadib cadaadis la saaray R/W KHEYRE

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in xal deg deg ah laga gaaray khilaafkii ka taagna kursiga Lafta Cali-Gaaf ee Beesha Waceysle.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa si rasmi ah u aqbalay xubinimada Cabdinasir Aadan Cusman oo ay soo gudbiyeen nabadoonada Lafta Cali-Gaaf, kadib markii ay Ra’isul wasaare Kheyre u tageen xubno ka tirsan Beesha Abgaal.

Odayaal iyo Nabadoono ka socdo Beesha Waceysle ayaa Xalay u tagay Ra’isul wasaare Kheyre waxayna u sheegeen inuu si deg deg ah u fasaxo kursiga Lafta Cali-Gaaf/Waceysle haddii kale ay qaadici doonaan natiijada kasoo baxdo doorashada Galmudug.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa markaas kadib guddiga doorashada ku amray inay aqbalaan xubinimada Cabdinasir Aadan Cusman oo laba jeer oo hore laga diiday in lagu daro liiska Xildhibaanada Galmudug.

Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhawr jeer isku dayey inay meesha ka saaraan Cabdinasir Aadan Cusman balse waxaa arrintaas ka hor imaaday Nabadoonka leh saxiixa Lafta Cali Gaaf.

Cabdinasir Aadan Cusman ayaa aad loo hadal hayaa inuu isku sharaxi doono xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, taasoo dhibaato ku ah Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre oo iyagana loolan ugu jiro kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u ololeenayo inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug noqdo Maxamed Nuur Gacal oo kasoo jeedo Beesha Kheyre, islamarkaana ka tirsan la taliyaasha Ra’isul wasaare Kheyre.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaalkeeda ugu badan ku bixineyso sidii musharaxa ay wataan ugu guuleysan lahaa kursiga madaxweynimo ee Galmudug, waxayna taas ku suurta geli kartaa kaliya in qof ka socdo Nabad iyo Nolol uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Dhanka kale Guddiga ayaa sidoo kale Maanta soo gudbiyey boosaskii ka banaanaa Beelaha Sacad iyo Saleebaan oo ay kala matalayaan  Maxamuud Diini Xasan iyo Cabdirisaaq Cali Axmed.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Guddiga Doorashada Galmudug