DF oo ku hanjabtay tallaabo ka dhan ah isbital Tukish-ka ay ku leeyihiin Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa ku hanjabtay tallaabo ka dhan ah isbitalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho oo ay maamusho hay’ad Turkish ah.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inuusan jirin heshiis shaqo iyo mid howlgalin oo kala dhexeeyo hay’adda Yardimeli.

“Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in hay’adaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay inay ayada ka mas’uul tahay dhamaan adeeg bixinta caafimaadka dalka, ayna dalka ka shaqeyn karin cid aan ayada ogolaansho ka haysan.

“Cid kasta oo aan u haysan ogolaansho shaqo iskama bixin karto adeegyada caafimaadka si iskeed ah, mana jirto qolo gaar ah oo wakiil kaga noqon karta Wasaaradda Caafimaadka qorsheynta iyo fulinta adeeg bixinta caafimaadka iyo daryeelka bukaanka Soomaliyeed,” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Waxay Wasaaradda Caafimaadka ka qaadanaysaa dadka u bareeray jabjnta sharciga iyo ku tumashada qawaaniinta tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah.”

Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhinaca kale sheegtay inay dadka iyo dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga uga mahad celinayso is garab taagooda walaalnimo iyo gurmadka baaxada leh oo ay u fidinayaan dadka walaalaha ah Soomaliyeed.

Hase yeeshee waxay intaas ku dartay “Wasaaradda Caafimaadka uma dulqaadan karto in kaalmada bani-aadanimo iyo taakulada walaalnimo ay noqdaan kuwo lagu fushado dano gaar ah, lagana dhigto deeqahaas kuwo laga macaasho oo ganacsi laga dhigto iyadoo dadka Soomaliyeed baahi wayn u qabaan adeegyada caafimaad oo ay ugu deeqeen walaalohood Turkida ah.”

Hoos ka aqriso qoraalka