Cawad oo shaaciyey sida Farmaajo iyo Kheyre ay u arkaan shirka Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay mowqifka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ee shirka wada-tashiga Puntland ee furmaya 15-ka March.

Cawad oo hoggaaminaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda Puntland ayaa shalay gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, si ay uga qeyb galaan shirkaas.

Isaga oo hadlayey kadib markii uu gaaray Garoowe, ayaa Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Kheyre aysan wax dhibaato ah ku qabin shirkaas, islamarkaana ay bogaadin usoo direen shacabka Puntland ayna guul u rajeeyeen shirka wada-tashiga, sida uu yiri.

Wasiirka ayaa intaas ku daray inay Puntland marti qaaday wakiilada u matala dowladda federalka Soomaaliya si ay shirkaan kaalin uga qaataan.

Si kastaba, waxaa xusid mudan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku baaqay shirkan kadib markii uu aad uga carrooday “ficillada madaxda dowladda dhexe.”

Shirka Garoowe ayaa la filayaa in laga soo saaray go’aanno ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya, oo madaxweyne Deni uu horey ugu eedeeyey “carqaladeyn iyo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada dalka.”

Go’aanada la filayo inay kasoo baxaan shirka ayaa waxaa ka mid ah in Puntland qaadacdo doorashooyinka dalka laga qabanayo, maadaama ay horey uga hor-timid sharciga doorashooyinka, iyo inay si buuxda xiriirka ugu jarto dowladda dhexe.

Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya inay suurta-gal tahay in joogitaanka wafdiga wasiir Cawad ee Garoowe ay uga faa’iideystaan inay isku soo dhoweeyaan madaxweyne Deni iyo madaxda dowladda federaalka.