Qarax lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidanka booliska oo ka dhacay Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ahaa nooca gawaarida lagu dhejiyo

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa waxaa lahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska oo lagu magacaabay Cabdishakuur Xuseen Cabdi Dhicisow oo loo yaqaan Jaabiri, iyadoo wararka ay sheegayaaan inuu halkaas ku geeriyooday.

Jaabiri ayaa ka tirsan booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxa lagu dilay uu si gaar ah uga dhacay inta u dhexaysa Guriga hooyooyinka iyo Hotel Muna.

Qaraxa ayaa waxaa ka bad-baaday askari oo kale oo la saarnaa baabuurkiisa, kaasi oo uu gaaray dhaawac, islamarkaana hadda lagu dabiibayo isbitaalka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray waxa ayna xireen iska socodka dadka iyo gaadiidka agagaarka qaraxu ka dhacay. Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Booliska Soomaaliya weli kama hadlin weerarkaan hase yeeshee waxaa faah-faahin ka bixiyey afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere. Hoos ka daawo