Golaha Wasiirada oo maanta meel-mariyey qorshe lagula dagaalayo musuq-maasuqa xukuumadda soo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa kulankoodii Khamiis-laha ahaa oo maanta ku yeesheen aaladaha la iska arko, waxay ku meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaalanka musuq maasuqa ee lagu dhaqmi doono sanadaha 2020-ka illaa 2023-ka.

Qorshahan ayaa waxa uu waqtigiisa inta badan saameyn doonaa xukuumadda soo socota ee beddeleysa tan hadda jirta.

Sidoo kale kulankii maanta ayey goluhu ku meel mariyeen heshiisyada caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda.

Wasiirka caddaalada ayaa golaha uga mahad celiyay ansixinta istaraatiijiyadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee qaybta ka qaadanaya dadaallada lagula dagaalayo musuq maasuqa, sidoo kalena sare loogu qaadayo isla xisaabtanka iyo daah furnaanta si loo ilaaliyo amaanada ummadda.

Qeybtii hore ee kulanka waxaa shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxaana looga hadlay arrimaha kala ah, xaaladda cudurka COVID-19, fulinta heshiiska IMF iyo DF iyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa dhamaan wasiirrada faray in la dardar geliyo fulinta qorshayaasha wasaaradaha si loogu guuleysto dadaallada lagu xaqiijinayo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Qeybihii dambe ee kulankii maanta waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana looga hadlay dedejinta fulinta mashaariicda horumarineed ee qaybta ka qaadanaya dib u soo kabashada dalka.