Aqriso: Liiska 27-ka qodob ee laga beddalay sharciga saxda ah ee doorashooyinka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi uu sheegay in been abuur lagu sameeyey, lana bedelay xeerarkii dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka ee Guddiga wadajirka labada Aqal ay soo diyaariyeen, islamarkaana Baarlamaanka la hor geeyey mid aan aheyn midkii ay diyaariyeen, ayaa waxaa lasoo bandhigay liiska qodobada laga badalay sharciga.

Wax ka beddelka sharci-darrada ah ee la sameeyey ayaa waxaa caddeynaya in nuqulka saxda ah ee maanta uu soo bandhigay Aqalka Sare uu bog kasta leeyahay saddex shabbad oo kala ah Aqalka Sare, Aqalka Hoose, iyo Guddiga Wadajirka ah. Balse nuqulka la been abuuray uusan lahayn.

Qodobada wax badalka lagu sameeyey ayaa gaarayo illaa 27 qodob, waxaana meesha laga saaray qodobo la isku ogaa, taasoo uu Guddoomiye Cabdi Xaashi ku tilmaamay mid aan sharci aheyn.

Qodobada la badalay ayaa waxay inta badan u badan yihiin kuraasta Baarlamaanka oo la dhigay meel aan aheyn meshii markii hore la ansixiyey.

Waxaa kamid ah qodobada meesha laga saaray in sharcigaan markii uu ansixiyo Baarlamaanka lasoo marsiiyo madaxweynaha, islamarkaana lagu soo saaro digreeto dowladeed.

Sidoo kale qodobada meesha laga saaray ayaa waxaa kamid ah Magaca (Somaliland) oo lagu badalay Gobolada Waqooyi Barri.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa wax ka badalka lagu sameeyey sharcigaas ku eedeeyey inay ka dambeeyaan guddoonka Golaha Shacabka inay arrintaas ka dambeeyaan.

“Guddoonka Golaha Shacabka waxay qaateen wax aan ku tilmaami karno go’aan siyaasadeed oo sharciyadda ka dilaya nidaamka doorashada Dalka, isla markaana dhaawacaya nidaamka xeer-dejinta Dalka ee ku qeexan Madaxa Aafraad, Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah, kaas oo xeerinaya habraaca xeer dejinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri.

Halkaan hoose ka akhriso qodobadii saxda ahaa iyo kuwii lagu badalay oo is garab yaalo