IIRAAN oo ‘ciqaab adag marineysa’ nin u basaasayey Mareykan iyo Israel ah

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Nin ay ku eedeysay inuu u basaasayey Mareykanka iyo Israel, sida ay ku dhawaaqday Xeer-beegtida dalkaasi.

Afhayeenka xeer-beegtada Iiraan, Gholam-Hossein Esmaili ayaa sheegay in Mahmoud Mousavi Majd oo lagu helay basaasnimada ay soo xireen sanadkii 2018-kii, isla markaana ay muddo soo socotay dacwadiisu.

Xeer-beegtada ayaa sidoo kale sheegtay inuusan ninkan si toos ah ugu lug laheyn khaarijintii Qaasim Sulaymaani, balse uu si hoose ugu basaasi jiray Mareykanka iyo Isreal.

Gholam-Hossein ayaa waxa kale oo uu sheegay in Mahmoud Mousavi uu lacago badan ka helay Sirdoonka dibedda u qaabilsan Mareykanka iyo Israel ee CIA & Mossad, taasi oo baaritaankiisa lagu xaqiijiyey.

Mahmoud Mousavi ayaa hore u ahaa turjumaa, ka hor inta ay banaanka u soo bixin basaasnimadiisu, sida ay baahisay Mizan Online oo ah mareegta rasmiga ah ee Xeer-beegtida Iiraan.

Toddobaad ka hor unbay aheyd markii ay dowladad Iiraan ay Nin kale u toogatay basaasnimo, kaasi oo ay sheegtay inuu u basaasayey Israel xogta iibinta gantaaladeeda.