Sawirro: Safiirka Qatar iyo Qoor Qoor oo kulamo ka wada Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, isla markaana ka waday kulamo siyaasadeed ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Bin Hamza Asad Mohammed.

Qoraal kooban oo madaxtooyada Galmudug ay ka soo saartay kulankaas ayaa lagu yiri, “Safiirka Dowladda Qadar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed ayaa Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye kusoo booqday hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho.”

Dowladda Qatar ayaa sameyn xooggan ku leh siyaasadda Soomaaliya oo haatan mareysa marxalad kala guur ah, waxaana weli cadeyn wadadii lagu maareyn lahaa marxaladan siyaasadeed ee dalku ku jiro.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor waxa uu isla galabta Muqdisho kula kulmay madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo  Shariif Sheekh Axmed.

Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore, waxuuna ahaa kulan is xog wareysi ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug.

“Madaxweynaha dowlada Galmudug Mudane, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran Ku Booqday Madaxweynayaashi Hore Soomaaliya Xasan Shiq Maxamuud iyo Madaxweyne Shiikh Shariif Sh Axmed. Kulanka ayaa ahaa afur iyo  is-xog wareysi” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa soo gaaray Muqdisho maalin kadib markii xilka laga tuuray Ra’iisul wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre.

Qoor Qoor ayaa intii uu ku sugnaa Muqdisho waxa uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed  Cabdullahi Farmaajo, waxayna inta badan kulamadiisu daaran yihiin sidii uu talo ugu yeelan lahaa soo magacaabidda Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.