Maxey tahay taageerada cusub ee Qatar ay sheegtay inay siineyso DF Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Qatar ayaa sheegtay iney xoojineyso taageeradeeda ku aadan Soomaaliya, balse ay markaan ka gacan siineyso dhismaha hay’ado lagama-marmaan ah.

Wakiilka joogtada ah ee dowladda Qatar u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobe ee Geneva – Danjire Ali Bin Khalfan ayaa sheegay iney Soomaaliya ka taageerayaan dhismaha dowladnimada, hay’adaha iyo ku dhaqanka sharciga, kaas oo xaqiijinaya in Soomaalida helaan xuquuqdooda oo dhan.

Dhinaca kale wakiilka wuxuu bogaadiyay khabiirka madaxa banaan ee xuquuqda aadanaha Soomaaliya (Caa’isha Deyfaan) taas oo dadaal ku bixisay dib u eegista warbixinteeda ku saabsan xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Sidoo kale danjiraha wuxuu ballan qaaday iney cusbooneysiinayaan baaqii dowladda Qatar ee ku aadanaa iney taageero dhaqaale iyo mid farsamo siiyaan Soomaaliya si kor loogu qaado kobcinta hay’adaha xuquuqda aadanaha.

Ugu dambeyntiina Warbixin ka soo baxday golaha xuquul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa walaac looga muujiyey xaaladda Soomaaliya, iyadoo haatan dalku uu ku jiro marxalad loogu diyaar garoobayo doorashada.