28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Maareeye oo weerar kale ku qaaday DF, arrimo dhowr ahna shaaca ka qaaday + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa kulan uu maanta kula hadlayey dhalinyaro ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, waxuu eedeyn ugu jeediyey ra’iisul wasaare Rooble.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxayna aad uga soo hor jeesteen xubnaha ku metelaya guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka.

Maareeye ayaa sheegay in guddiyada la magaacaabay xubnaha ku metelaya gobollada waqooyi aan hab sax ah loo marin.

“Waxaa dhamaanteen qabnaa in xubnaha guddiyada ilaa hadda magacaaban aan magacaabidooda loo marin hab sax ah oo wadatashi lagala sameeyey dadkii iska lahaa,” ayuu yiri xildhibaan Maareeye.

Isagoo sii hadlayey ayuu sheegay inay isugu imaan doonaan kulamo kale, isla markaana aysan aqbali karin hanaanka loo maray magacaabaista guddiyada metelaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

“Sida aad ogtihiin dalku doorashooyin dab-dan ayuu dalku geliyaa oo loo raacayo habkii 2016-kii lagu soo xulay xildhibaanada, waxaana loo baahanyahay in doorashadaasi noqoto mid daah furan, oo u dhaca si xor iyo xalaal ah, qof kasta oo daneynaya kursigana uu u tartamo” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maareeye.

Hoos ka Daawo

- Advertisement -

Read more

Local News