Waa kan madaxweynaha ay Soomaaliya u baahan tahay

Soomaaliya oo ay afartii dabshidba mar ka dhacdo doorasho madaxweyne ayaa 60 cisho ka dib lagu wadaa in ay yeelato madaxweyne, yeelkadeed dib u dhac iyo muddo kororsi e.

Tobban sanno oo dagaal, burbur iyo qax ah ka dib, waxaa noo xigay 20 sanno oo dib u kabasho iyo nidaam dowladeed ah, kaas oo ku dhisnaa, is oggol, talis isku dhiib, tanaasul iyo ilaalinta danta guud.

Shan madaxweyne oo ay yeelatay Soomaaliya 20-kaas sanno kuma imaan rabitaan iyo cod shacab, waxey ku yimaadeen dan siyaasadeed, duul kale raalli ahaanshadood, jeebab carbeed iyo talo daneeyeyaal.   

Haddaba shan madaxweyne ka dib, madaxweyne noocee ah ayey u baahantahay Soomaaliya?. innagoo maanka ku heyno in uu go’aanka ku jiro gacan aan aheyn shacabka.

1- Madaxweyne aan la wadan

Soomaaliya waxey u baahantahay madaxweyne saaxadda kursiga kusoo koro jeebkiisa, cid gadaal ka taaggan aysan jirin, fulinta ballamo shisheeye aysan ku hor gudbaneen, waddan hebel aa watana aan la laheyn.

2- Madaxweyne xoogga saaro caddaaladda

Soomaaliya waxey u baahantahay hoggaamiye u caddaalad falo dadkeeda, meel iska dhigo nin jecleysi, eex, qabyaalad iyo qaraabeysi, dhiso hay’ado garsoor xooggan oo ka fog musuq iyo wax is daba marinta, si joogta ahna u howlgalo.

Soomaaliya waxey kaalmaha koobaad kaga jirtaa dalalka adduunka kuwooda ugu musuq maasuqa badan, musharrax walba ee u taaggan qabashada xilka madaxweyne wuxuu sheegaa in uu la diriri doono musuqa, haddana kama baxdo kaalmaha koobaad qiimeynta waddamada uu hareeyay musuqa!.

Musuqa oo ah cudur halis ku ah dowladnimada iyo kobaca dhaqaale ee ummadeed ayaa u baahan in lagu wajaho dagaal toos ah si meesha looga saaro, waxeyna Soomaaliya u baahantahay madaxweyne ay ka go’antahay la dagaalanka musuqa, kana billaabo xafiiskiisa.

3- Madaxweyne ummadda mideyn kara

Soomaaliya oo ah waddan kasoo kabanaayo dagaallo sokeeye, dadkiisu kala shakisanyihiin, aaminaaddii dhexdooda aheyd yaraatay, qolaba qolada kale gacantoodu gaartay, ayey laga maarmaan u tahay in ay hesho madaxweyne og waxa Soomaali kala tirsaneyso, mid walba ka dhaqo waxa gaaray, iskugu keeno meel, una sameeyo dhab-u-heshiisiin.

Qof walba ee qabo tasho ugu tago halka uu joogo, u muujiyo dabacsanaan, ka dhageysto cabashada, ku dulmin awoodda qaran, mar walba u heellan xallinta wax hore u dhacay iyo mid taaggan intaba, diyaar u ah gar-naqsi, Soomaali oo idil u simantahay, midnimana ka go’antahay.

4- Madaxweyne xal u heli kara Al-Shabaab

Kooxda Al Shabaab waxa ah dhibaato dhan walba ah ku heysaa muddo dheer shacabka Soomaaliyeed, musharrax walba wuxuu sheegaa inuu soo afjari doono haddii uu guuleysto, mana dhacdo sida muuqato.

Kooxdan waxey kordhisay baadda ay shacabka Soomaaliyeed ka qaaddo, qaraxyada ay la beegsato iyo caburinta ay ku heyso ganacsatada Soomaaliyeed.

Waa in la helaa madaxweyne ay dhab ka tahay ciribtirka kooxda Al Shabaab, si dalku u galo hal gacan oo aamin ah, ganacstada uga nastaan caburinta ay ku hayaan iyo baadda joogtada ah ay ka qaadaan.

5- Madaxweyne horumariya wax soo saarka dalka

Dal waliba waxey dadkiisa horumar ku gaaraad isticmaalka wax soo saarkooda iyo u suuq geynta adduunka intiisa kale, Soomaaliya waxey ka mid tahay dalalka lagu tiriyo in ay leeyihiin kheyraad ka badan iyaga.

Waxaa ku yaallo dhul beereed aad u ballaaran oo kaalin mug leh ka qaadan karo soo kabashada daqliga dalka, dadkuna u noqon karo shaqo abuur, dhanka kalena ka caawin karo hoos u dhac maciishadda ah, taas oo meesha ka saari karto baahiyo badan iyo duruufo adag oo ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed.

Waxaa laheyn warshadaha Dharka, Sokorta, bariiska, Baastada, caana, Cabitaanka, Burka IWM, waxey kaliya u baahanyihiin dib u howlgelin, waxey shacabka Soomaaliyeed u noqon laheyd fursado shaqo iyo mid ay uga maarmaan badeecada qaalliga ah ee kasoo dagto Dekadaha, waxaana sidoo kale abuurmi lahaa jaanisyo aan ugu suuq geyno dalalka deriska ah iyo kuwa fog intaba.

6- Madaxweyne sameyn kara lacag adag oo dalka wada matasha

Ka dib burburkii dalka, muddo soddon sanno ah wuxuu dabar go’ ku socdaa Shilling-kii Soomaaliga, ma helin daryeel iyo cusbooneysiin, waxey meelaha qaar bulshada isla garteen in aan wax la iskaga iibsan, waxaana beddiil u noqday lacagaha la iskugu diro telfoonada gacanta!.

Lixdaas sifo iyo kuwo kale oo jiri karo hoggaamiye leh ayey Soomaaliya u baahantahay, si ay cagaheeda ugu istaagto, uga maaranto kabid dhaqaale, caawin shisheeye iyo gacan hoorsi.

Wuxuu u horseedi karaa isku filnaasho dhan walba ah, in ay tuuraan dhiisha faqriga, in la helo xasilooni, amni iyo dagganaan,  waxaana xigi karo soo celinta awooddii ciidan, qabkii iyo qaddarintii ay adduunka ku dhex laheyd.

Waxaa ku cabbiray kaliya aragtideyda gaabban.

W/Q: Cabdikaafi Cali Xasan
habeysanejr@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid