26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

War weyn oo kasoo baxay xildhibaanadii xasaanadda laga qaaday ee Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimadda Online) – Xildhibaanadii xasaanadda laga qaaday ee Puntland ayaa kasoo horjeestay in kiiskooda ay qaado maxkamadda sare, islamarkaana la eego hadii ay sharci tahay waddada loo maray in xasaanadda laga qaado.

Shalay ayey aheyd markii maxkamadda sare ee Puntland ay wakhti u qabatay dhageysiga dacwadda la xiriirta xildhibaanadaan, waxaana loo asteeyay 10-ka Diseembar oo ku beegan Khamiista, hase yeeshee xildhibaanada wey beeniyeen iney u dacwoodeen maxkamadda sare.

Xildhibaanada waxey sheegeen ineysan jirin wax dacwad ah oo ay u gudbiyeen maxkamadda sare, taa badalkeedana aysan helin wax waraaqo ah oo kiiskaan ku saabsan kana soo baxay maxkamadda sare ee Puntland.

Xildhibaanada oo qaarkood ku kulmay magaalada Garowe ayaa dafiray iney ku sifoobeen waxyaabaha lagu eedeeyay.

Si kastaba xildhibaanada xasaanadda laga qaaday kuma kalsoona cadaalad falka maxkamadda sare maadaama ay sii hayaha gudoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland u arkaan mid aan dhex-dhexaad noqon karin.

- Advertisement -

Read more

Local News