Guddoomiyaha Aqalka sare iyo siyaasiyiin kale oo gaaray Garowe iyo ujeedka safarka

Garowe (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe, iyadoo ay la socdeen siyaasiyiin uu ku jiro musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Gelle.

Xubnahaan waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin sar-sare oo ka mid ah maamulka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo siyaasiyiinta kale ee tagaya magaalada Garowe waxey ka qeyb gali doonaan shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Heritage oo 28-ka bishaan ka dhici doona magaalada Garowe.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa xasilinta dalka amni ahaan, dhameystirka dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya, waxaana ka qeyb galaya sidoo kale qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, musharaxiinta mucaaradka iyo xubno kale.

Ammaanka magaalada Garowe aad ayaa loo adkeeyay, waxaana la filayaa inuu qabsoomo shirka ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, saamileyda siyaasadda Soomaalida iyo xubno kale.