Qorshaha ka dambeeya in Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe la dejiyo Decale

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in madaxda dowlad goboleedyada HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug la dejiyay hotelka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale ammaanka madaxda dowlad goboleedyadan ayaa waxaa la wareegay ciidamo ka tirsan nabad-sugidda iyada oo la xaddiday dhaq-dhaqaaqooda muddada ay ku sugan yihiin Muqdisho.

Saddexda madaxweyne goboleed ayaa guryo ku leh magaalada Muqdisho, kuwaasi oo inta badan ay degaan marka ay caasimada yimaadaan, balse taasi ma dhicin xilligan.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxtooyada Soomaaliya ay xubnaha ku cadaadisay inay degaan hotelka Decale, halkaas oo sidoo kale ay degan yihiin guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka.

Tallaabadaan ayaa la aaminsan yahay in madaxweyne Farmaajo uu kaga golleeyahay la socoshada dhaq-dhaqaayada kulamada madaxweynayaashan iyo in aysan gelin kulamo aan ahayn kuwa ay Villa Somalia oggoshahay, haddii ay galaana ay yihiin kuwa laga war-hayo.

Decale Hotel oo ku yaalla gudaha Aden Cadde Airport ayaa waxaa leh shirkad Turkshii ah oo ay xiriir dhow leeyihiin madaxweyne Farmaajo.