Madaxweyne goboleedkii labaad oo galabta gaaray Dhuusamareeb + Sawirro

Dhuusamareeb (Caasimada Online)Madaxweynaha maamul goboleedka Hir-Shabeelle, Cali Guudlawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhoweyd oo maanta ah gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, oo lagu wado inuu ka furmo shir looga arrinsanayo muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Wafdigan uu horkacayo Guudlaawe ayaa waxa si diiran garoonka Dhuusamareeb ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug iyo Wasiiro ka tirsan maamulkaas.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxa uu noqonayaa hogaamiyihii labaad ee tega magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga madaxda dowladda iyo kuwa maamulada dalka oo uu dhawaan iclaamiyay madaxweyne Farmaajo, si xal rasmi ah looga gaaro is-mari-waaga doorashada.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa isaguna kasii horeeyay madaxweyne Guudlaawe, waxaana la filayaa in madax kala duwan ay saacadaha soo socda ka dagaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Shirka ka furmaya Dhuusamareeb oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda dalka iyo muranka ka taagan doorashada dalka ee 2021-ka.

Xaaladda Soomaaliya ayaa ah mid haatan aad u cakiran, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada kasoo bixi doonta shirka Dhuusamareeb oo xal looga gaarayo doorashooyinka.