Sarkaalkii ka dambeeyay in Shabaab madaafiic ku riddo Dhuusamareeb oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya howl-gal qorsheyn oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 15-aad ee qeybta 21aad iyo Ciidanka Gor-Gorqeybta ay ka fuliyeen duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Howl-galkan oo yimid kadib markii xalay dagaalyahanada Shabaab ay hoobiyeyaal kusoo tuureen magaalada Dhuusamareeb oo ay xiligaasi ku sugnaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa waxa lagu baacsaday dagaalyahanadii ka dambeeyay weerarka hoobiyeyaasha.

War kasoo baxay taliska Ciidamada qeybta 21-aad ayaa waxa lagu sheegay in ciidamada ay howl-galkooda ku dileen saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu ku jiray sarkaalkii u qaabilsanaa deeganada u dhaxeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Sarkaalkan ay sheegeen in ciidamadu dileen ayaa waxa lagu soo koobay Cabdi Naasir, wuxuuna ahaa madaxii ka dambeeyay hoobiyeyaashii xalay lagu tuuray Dhuusamareeb.

Waxaa intii uu socday howl-galka uu dagaal kooban dhexmaray ciidamada isku dhafka ah ee dowladda iyo xubnaha Shabaab ee qaarkood la dilay.

Sidoo kale waxa uu taliska ciidamada uu sheegay in howl-galkaas ay ciidamadu kusoo qabteen dhaawaca xubin ka tirsan Shabaab iyo Afar qori oo ay xubnahaasi wateen.

Dhowr madfac oo hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu garaacay magaalada Dhuusomareeb, oo marti-gelineysa shirka madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana magaalada kusoo dhacay illaa 10 madfac, oo badankood ku dhacay hareeraha magaalada laga soo galo iyo garoonka diyaaradaha.

Waxaa la xaqiijiyey in weerarkan hoobiyeyaasha ah ay ku dhaawacmeene afar qof oo shacab ah.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa amnigeedu sii xumaanayey tan iyo markii laga saaray kooxda Ahlu-Sunna, oo xukunka uu qabtay Qoor-Qoor, ayada oo dhowr mar lasoo weeraray garoonka diyaaradaha, sidoo kalena Al-Shabaab ay aad ugu soo dhowaadeen deegaanada ku dhow magaalada.