Deni oo ka hadlay fashilka shirka Afisyoone – Wareysi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa eedeyntii ugu timid dowladda federaalka ku tilmaamay mar-marsiiyo ay horay tuhunkeeda u qabeen, balse mas’uuliyadda burburka ku yimid shirkaas aysan cidna la wadaageyn madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in muuqaalkii ay maanta xukuumaddu sii deysay ee wasiir Dubbe uu ku sheegay in Puntland iyo Jubbaland uu shirku ka socon waayey uu yahay mid horay loo sii diyaarsaday, islamarkaana ay dowladda federaalku horay ugu sii tala gashay fashilinta shirarka Afisyooni.

“Waxaa la yaab leh maanta iyo maalmihii horeba waan shireynay, balse waxaa noo cadaatay in qoraalka iyo muuqaalka ay galabta dowladdu sii deysay ay ahaayeen wax horay u diyaarsanaa, waxaa cad dowaldda federaalku in aysan rabin inuu dhaco shir looga wadahadlayo dalka, marka nasiib daradaas waa inay dadka Soomaaliyeed ogaadaan,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa sheegay in wasiir Dubbe uu maanta ku sugnaa Afisyooni oo madaxdu ay isugu tageen, balse dharka uu watay markii uu ka soo muuqday shirka jaraa’id ee eedeynta loogu jeediyey Puntland iyo Jubalnd uusan wadan, sida uu sheegay.

“Wasiir Dubbe waa uu nala joogay maanta, marka dharka uu isaga duubay muuqaalka kii uu watay maaha, marka wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in bulshada lagu marin habaabiyo ayuu ahaa warkii galabta ka soo yeeray dowladda federaalka,” ayuu yiri Deni.

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey VOA