Jubaland iyo Puntland oo mowqif kasoo saaray sii socoshada shirka Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa lagu sheegay in labadaas maamul aysan ka warheyn fashilka ay dowladda federaalku ka sheegtay shirarkii ka socday Afisyoone, islamarkaana ay diyaar u yihiin in wada-hadallada ay sii socdaan.

Puntland iyo Jubaland waxay qoraalkooda ku cadeeyeen in umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay la wadaagayaan in mudo bil ah ay u Muqdisho u joogaan sidii uu ku qabsoomi lahaa shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee lagu balamay, balse hadda ay u muuqato in garabka dowladda federaalka ay howshu ka socon la’dahay.

“Waxaa muddo 3 maalmood ah socday shir hordhac u ah shirkii lagu balansanaa, kaas oo looga wadahadlayey sii la iskula meel dhigi lahaa ajendayaasha iyo habka qabsoomidda shirka wadatashiga, waxaase nasiib darro ah in Masuuliyiinta Dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodii dharnmaaday ay ku dhawaaqeen in shirkii fashilmay, taas oo ah mid ayaga gaar ku ah,” ayaa lagu yiri warkan oo wadajir ay u soo saareen Puntland iyo Jubaland.

Sida lagu sheegay qoraalkaan qorshahaan ayaa la mid ah kii madaxweyne Farmaajo uu uga soo tegay shirkii Dhuusamareeb-4, iyadoo dhammaan madaxda maamul goboleedyada ay wada joogaan halkaas, isla markaan aan la gaarin wax heshiis ah.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay waxay wada ogtahay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shirkii Dhuusamareeb 4 isaga soo tagay, iyadoo dhexda looga jiro si go’aan mideysan looga gaaro xal u helidda qodobada caqabadaha ku ahaa hirgelinta heshiiskii 17 September 2020, xiligaas oo muddo xileedkiisa ay ka harsanayd labo maalmood kaliya. Sidoo kale Farmaajo waxuu 19 February 2021, Magaalada Muqdisho ka abuuray khalkhal amni, isagoo weerar ku qaaday Madaxweynayaashii hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, xubno ka tirsan Murashaxiinta iyo shacab dhigayey mudaharaad nabadeed,” ayaa lagu qoraalkaan.

Labada maamul goboleed ayaa sidoo kale madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuu fashiliyey shir lagu balansanaa inuu magaalada Muqdisho ka dhaco oo go’aan wadajir ah looga gaaro soo jeedinadii Guddiyadii Farsamada ee Baydhaba ku shiray, kadib markii uu ka caga jiiday in la guda galo shirkii uu iclaamiyey ee ka qeyb galkiisa ay Muqdisho u yimaadeen madaxda Jubaland iyo Puntland.

Sidoo kale waxay sheegeen in markii uu diiday Farmaajo in laga wadahadlo ee ajendaha iyo qaabka loo qabanayo shirka guud ay Beesha Caalamku soo jeedisay in la bilaabo shirar hor dhac u ah shirweynaha wadatashiga ee lagu gaarayo xalka kama dambeysta ah.

“Maxamed Farmaajo ayaa mar walba oo isu soo dhawaansho yimaado dhankiisa ayuu ka carqaladeeyaa, asagoo ugu dembeyntii maanta soo jeediyey in kala tashi la soo yeesho, dibna laysugu soo noqdo shir kale,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Jubaland iyo Puntland, “Waxaa nasiib darro ah in Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka uu baahiyey war-saxaafadeed u muuqda mid horay loo sii diyaariyey, sheegayna in shirkii fashilmay, arrinkaas oo aan u aragno marmarsiinyo loogu gogol xaarayo in si sharci darro ah kuraasta loogu sii fadhiyo.”

Waxaa lagu sheegay qoraalkan in labada maamul aysan waxba kala socon shir fashilmay iyo sababta fashilisay, isla markaana ay diyaar u yihiin in laga heshiiyo qabsoomidda shirkii lagu balansanaa.

“Waxaan diyaar u nahay in si joogto ah aan uga qayb qaadano xal u helidda sidii dalka ay uga qabsoorni lahayd doorasho nabad iyo wada oggol ah, kuna dhisan heshiiskii 17 September 2020,” ayey qoraalkooda ku yiraahdeen Puntland iyo Jubaland.