DF oo sheegtay in lacag ka timid dal kale lagu qabtay garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in maanta garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde lagu qabtay lacag ka timid dalka Kenya iyo dadkii watay, taas oo la sheegay inay khatar ku aheyd amniga Qaranka, balse shaki badan ayaa ku geedaaman sheegashadan.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo qoraalkan soo saaray ayaan shaacin cadadka lacagta ay qabteen iyo tirada dadka lagu qabtay intaba, balse waxa uu sheegay inay baaritaano ku socdaan, sharcigana la hor keeni doono dadkaas.

“Saaka abaare 09:00 AM, ayaa Ciidanka Saldhiga Boliiska Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ay gacanta ku soo dhigeen cadad lacag ah oo Dollar ah, taas oo ay siday diyaarad ka mid ah kuwa u kala goosha Muqdisho iyo Nayroobi. Lacagtaas oo la rabay in sifo sharci daro ah dalka lagu soo galsho, taas oo lid ku ah shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri Sadiiq Aadan.

Qoraalka afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Cadadka lacagtaas iyo eedeysanihii waday, ayey Ciidanka Boliisku gacanta ku hayaan, iyada oo baaris ku socoto cadaadana la horgeyn doono. Waan bogaadinaynaa Ciidanka Boliiska iyo Howlwadeenada kale ee ka howlgala Garoonka, sida ay u guteen waajibaadkooda shaqo.”

Dhanka kale Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Maxamed Xasan Xijaar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka waxa uu ku yiri, ”Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta Gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan.”

Arrintaan ayaa durba shaki badan abuurtay, waxaana baraha bulshada qabsaday doodo la xiriira in tani ay tahay mid siyaasadeysan, oo lagu xoojinayo doodda dowladda ee ah in dalka faro-gelin lagu hayo

Waxaa sidoo kale tuhunka sii dheereynaya ayada oo la soo bandhigin wax macluumaad ah oo la xariira lacagtaas, sida cadadka lacagta, diyaaradda lagu keenay, dadka la sheegay in lagu qabtay, cidda loo waday iyo cidda soo dhiibtay toona.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah siyaasiyiin ka fal-celiyey sheegashada booliska ayaa qorshahaan ku macneeyey mid in dhaha dadka looga jeedinayo safar uu sheegay in Farmaajo uu ugu bixi rabo Itoobiya, isagoo su’aal ka keenay sababta ka dambeysa in xilligaan uu Farmaajo u safro Itoobiya.

“Xijaar si indhaha dadka looga leexiyo safarka Farmaajo, ayuu suuqa soo geliyay lacag ayaan qabanay. Taliyow riwaayadaan caatada ah inta naga dhaaftid bal nooga waran duqu muxuu xiligan Itoobiya ka doonayaa?” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa.