Cagjar oo shaaciyey waxa uu sameyn doono haddii ay TPLF timaado Addis Ababa

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dalka Itoobiya, xilli kooxda TPLF ay ku hamineyso inay qabsato caasimadda dalkaas ee Addis Ababa.

Madaxweyne Mustafe ayaa walaac badan ka muujiyey mustaqbalka is-maamulka Soomaali Galbeed, hadii Tirgay ay qabsato Addis Ababa oo dowladda Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay burburto.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu shalay isugu yeeray odayaasha dhaqanka deegaanada Soomaali Galbeed, isagoo hoga tusaaleeyey dhibaatada ka dhalan karta hadii TPLF ay ku soo laabato xukunka dalka Itoobiya.

“Hadii aad maqashaan ciidamo TPLF ah ayaa Addis Ababa kusii socda, waxaad sidaas oo kale maqli doontaan ciidan Soomaali ah ayaa ku wajahan Addis Ababa, si ay uga difaacaan cadawga,” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Waxa uu sheegay in wax dan ah aysan ugu jirin dadka Soomaalida ah in Tigray qabsado xukunka Itoobiya, maadaama sida uu qabo aysan kooxdaasi ka waantoobi doonin fikirkoodii ahaa nin qowmiyadaha dalka loo sameeyo maamul adag oo caburiya.

“Kama waan toobayaan fikirkoodii ahaa dadka idinku dowlado ha u sameyninee dadku cida ay soo doortaan la macaamila, shakigaas waxaa sii cadeynaya xalay Addis Ababa ayey dad kula saxiixanayeen waraaqado, iyagoo leh waxaan sameyneynaa urur la yiraa Itobiyaan federaalisim,” ayuu yiri Mustafe.

Waxa uu sheegay in ka Soomaali ahaan ay u qorsheysan tahay in cid kasta oo Addis Ababa timaada aysan Jigjiga maamul u soo dhisin, “Xataa cidii deegaankaan keenta ciidan qowmiyad oo aan aheyn mid qaran, inaan la dagaalnaa noo qorsheysan,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo