Dr. Cabdullaahi Abiib oo u jawaabay WASIIR BEYLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib oo maalin ka hor ku guuleystay kursiga HOP#201, oo horay uu ugu fadhiyey wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa duray hadalkii ka soo yeeray wasiir Beyle oo shalay shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay, intii ay socotay doorashada kursigaas.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shalay sheegay in hadii uusan xildhibaan aheyn uusan wasiir noqdeen, sidoo kale waxa uu si dadban u weeraray Ra’iisul wasaare Rooble, isagoo sheegay in kursiga iyo shaqo gudashadiisa maaliyadda dalka ay isi-saameeyeen.

Xildhibaan Abiib ayaa sheegay in Wasiir Beyle ay isaga qaldameen shaqadii xukuumadda u dirsatay iyo kursiga beeshiisa, isagoo xusay in Beyle uu doonayey in loo xiro kursigaas oo aan lagula tartamin.

Waxa uu sheegay in sanadkii 2016-kii ay isaga iyo Beyle ku tartameen kursigaan, balse markii laga guuleystay uusan ka xumaan, “Maanta doorashadu tii ayey lamid aheyd, waxaana ku faraxsanahay in beeshu ay ii garatay in kursigaan aan ku metelo,” ayuu yiri.

Dr. Abiib ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wasiir Beyle “uu isku qalday shaqada xukuumadda ee wasaaradda maaliyadda iyo kursiga xildhibaanka ee beesha.”

“Reerka iska leh kursigaan oo degmada Gebiley ama gobolka Awdal, wax ka khuseeya malahan maamulka iyo hab-maamuuska wasaaradda maaliyadda, sida ay u shaqeyneyso wasaaraddu iyo kursiga beesha wax iska galay majiraan, waxaan maqlay isagoo leh hadii aanan xildhibaan aheyn wasiir ma noqdeen, laakiin anigu waxaan beesheyda u sheegayaa in labadaas jago ay kala madax banaanyihiin, oo kii ay ii dhiibtaan aan ugu shaqeynayo” ayuu yiri Dr. Abiib.

Sidoo kale xildhibaankaan cusub ayaa sheegay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu go’aansaday in kursigaan uusan u tartamin oo loo xiro, “Hadii aad go’aansatay in aadan musharax noqon oo aadan dadkaaga ku kalsooneyn in madaxda dalka aad caro kala dul dhacdo waa nasiib darro kale,” ayuu yiri.

Digtoorka ayaa eedeynta wasiir Beyle ku macneeyey mid ay keentay kalsooni darrada ka soo wajahday dhanka beeshiisa, “Ilama fiicna walaalkeeyow inaad meel uga dhacdo madaxda dalka,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Abiib ayaa soo jeediyey in Ra’iisul wasaare Rooble oo loo igmaday inuu garwadeen ka noqdo doorashada dalka aan lagu xag-xagan howshiisa, isagoo cadeeyey in hanaanka uu wax ku wado uu taageersan yahay.

Hoos  ka daawo