CC Shakuur oo qoraal cajiib ah kasoo saaray xod-xodashada xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xildhibaanada cusub ee la doortay, kuwaasi oo qaarkood soo saaristooda ka dhalatay muran badan.

Cabdiraxmaan ayaa ku dooday inay xad-gudub weyn tahay in xildhibaanada dooran lagu yiraahdo “gud abaalkii”, maadama soo bixistooda ay kooxo gaar ah ka dambeeyen, si ay ugu tashadaan codkooda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xildhibaanka la doortay uu yahay qof madax banaan, isaga oo hoosta ka xariiqayna in shantii sano ee lasoo dhaafay la macno tiray Baarlamaanka, ayna tahay in wax laga badalo sidii hore.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran:

Nidaamka siyaasadeed ee dalkeenna waa Baarlamaani (Parliamentary system). Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa ah hay’adda ugu awoodda sarreysa dalka, matalaysana gobbonimada iyo madax bannaanida qaranka. Qofka ka mid noqonaya golayaashaas waa xil dhibe.

Shantii sano ee la soo dhaafay Baarlamaan waa la macno tiray.

Mana ah in afarta soo socota sidii la yeelo. Waa fikrad khaldan in ujeedka Baarlamaanka lagu soo koobo shaqo hal maalin oo cod bixin oo keli ah, xildhibaankana lagu soo xusho cod siin.

Hawsha xildhibaanku ma codbixin ayey ku egtahay? Mise masuuliyad ka wayn ayaa saaran? Waxay xadgudub ku tahay xildhibaanka in loo adeegsado aalad ama ergo cod bixin oo kale, lana yiraahdo codka sii cidii farta laguugu fiiqo, maadaama lagu soo saaray oo abaal laguugu leeyahay.

Xad gudub ka weyn ma jiro in fekerkaaga, garashadaada, damiirkaada iyo waliba dantaada dhinac iska dhig lagu yiraahdo ee gud abaalkii laguu galay.

Su’aashu waxay tahay gudashada waajibaadka kale ee Baarlamaanka sida; dejinta sharciyada iyo xeerarka, la xisaabtanka iyo kor joogtaynta xukuumadda, ansixinta heshiisyada caalamiga, ka qayb galka doodaha Baarlamaannada, dhowrista dastuurka iyo ilaalinta xuquuqda muwaaddinka, metelaadda dadka iyo deegaanka aad ka soo jeeddo, ma qofkii ku soo xulay ama abaalka kugu sheeganayey ayaad marti uga tahay? Mise qof madaxbannaan ayaad tahay?.

Waa dood u baahan in si dhab ah loo ajandeeyo oo warbaahintu maalmaha soo socda u qabato xildhibaanada, aqoonyahanka, Indhadheergaradka, dadwaynaha intaba, si danta qaranka iyo dalka badbaadintiisa loogu istaago.