Muqdisho (Caasimada Online) โ Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa isku raacay qodobo dhowr ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal kadib wada-hadallo dhex-maray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali iyo dhiggiisa Shiinaha Wang Yi.
Cabdisaciid ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri โwaxaan maanta taleefonka kula hadlay wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha Wang Yi. Xiriirkeena taarikhiga ah waxaa lagu dhisay ixtiraamka qarannimo, sharafta dhuleed, iyo madax-banaanida siyaasadeed ee labada dhinac.โ
Cabdisaciid ayaa sheegay in isaga iyo Mr. Wang Yi ay isku raaceen inay si wadajir ah uga hortagayaan dhinacyada carqaladeynaya xiriirka labada dal.
โWaxaa intaas dheer oo aan dib u xaqiijinay inaan si wadajir ah uga shaqeyn doono xoojinta iskaashigeena dhinacyada badan ee ay taageerayaan mabaadiโdan iyo inaan si wadajir uga hortagno dhinacyada waxyeeleynaya, si aan isugu sii milno xiriirkeena.โ
Wasiir Cabdisaciid ayaa sidoo kale uga mahad-celiyey Shiinaha jawaabta ay ka bixiyeen abaaraha Soomaaliya.
Dhinaca kale, labada wasiir ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga, ayada oo lagu jaangoynayo hindisaha Belt and Road ee Shiinaha.
Sida uu qoraalkiisa ku sheegay wasiir Cabdisaciid, isaga iyo Wang Yi ayaa sidoo kale isku raacay inay xoojiyaan oo ay sii dheereeyaan iskaashiga labada dal ee amniga, horumarka, maamulka iyo arrimaha dhinacayada badan.ย