Fahad oo dacwad u gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir ayaa dacwad ka dhan ah guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT u gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka, sida ay caddeynayaan Documentiyo la helay.

Sida ku cad warqadda dacwadda, Fahad Yaasiin ayaa FEIT ku eedeyay inay si aan sharciga waafaqsanayn ay u celiyeen kursigiisa HOP#086 oo dhawaan loogu soo doortay magaalada Baladweyne.

Taliyihii hore ee NISA ayaa qabsaday qareen, waxa uuna isku dayayaa in maxkamadda sare ee dalka ay go’aan ka gaarto kursiga loo doortay ee HOP#086 kadib markii isku dayadii kale ay guuldareysteen, sida muquata.

Dacwadda Fahad ayaa ka dhigan mid gebi ahaanba baal marsan heshiiska doorashooyinka dalka, kaas oo dhigaya in dacwadda iyo cabashooyinka dhanka doorashada ah loo gudbinayo guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa horey u fasaxy kursiga Fahad, hase yeeshee ma jirin kiis dacwad oo dhanka Fahad uga yimid, taasi oo sax ahaanshaha iyo sharciyadda go’aankooda mugdi gelisay.

Kursiga HOP#086 ayaa waxaa ku dhagan guddiga doorashada heer Federal iyadoo lagu heysto in doorashadiisa la qabtay iyadoo uu hakiyey guddiga, lana baal maray hanaanka doorashada.

Si kastaba, waxaa la rumeysan yahay in kiiska kursigan uu yahay mid siyaasadeysan, islamarkaana xayiraadda la saaray uu ka dambeeyo ra’iisul wasaare Rooble oo dagaal kula jira Farmaajo iyo Fahad.

Horay ayay ahayd markii maxkamadda ciidamada qalabka sida looga gudbiyay dacwad ka dhan ah Fahad Yaasin oo lagu eedeyay in uu qayb ka yahay dil loo gaystay sarkaalad Ikraan Tahliil Afrax, mana la ogo sida ay ku socon karto dacwadaan maadaama ay dacwad kale ka taallo.

Halkaan hoose ka akhriso dacwadda uu gudbiyey Fahad