Maxkamad waaran soo qabasho ah u jartay saraakiil hore uga tirsanaa ciidanka DF

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maxakamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu soo qabanayo 26 qof oo isugu jira saraakiil, askari horay uga tirsaneed ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad aan ka tirsaneyn dowladda.

Raggaan waaranka soo qabashada ah loo jaray ayaa loo heystaa inay qeyb ka ahaayeen weerarkii ay kooxda Ahlu-Sunna todobaadyo ka hor ku soo qaaday magaalada Dhuusamareeb.

Intooda badan askarta iyo saraakiisha liiskaan ku jirta waxay ka tirsan yihiin hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ee NISA iyo booliska, sidoo kale tiro maleeshiyaad kale ah ayaa lagu xusay liiska ragaan la doon-doonayo.

Qoraal ay maxkamaddu soo saartay oo lagu xusay xubnahaas iyo darajadooda ayaa tixraacaya qoraal hore uga soo baxay xeer ilaalinta qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

26-ka askari ayaa ka tirsan ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo 13-kii bishaan May weerar culus ku qaaday magaalada Dhuusamareeb, waxayna hadda ku dhuumaaleysanayaan deegaano dhaca galbeedka gobolka Galgaduud.

Hoggaanka Ahlu-Sunna weli kama jawaabin waarankaan soo qabshada ah ee saraakiisha iyo qaar ka mid ah ciidankooda loo jaray, sidoo kale booliska Soomaaliya qeybtiisa Galmudug ayaa horay ‘Wanted’ ugu aqoonsaday 35 qof oo Sheekh Shaakir ugu horeeyo kuwaas oo ka tirsan Ahlu-Sunna.