R/W Xamza ma ka dhabeyn doona ballan-qaadkii la xiriiray Golaha Wasiirada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo laga sugayo dhismaha xukuumadiisa ayaa waxaa ku xeeran su’aalo badan oo ka mid tahay in uu fulin doono ballan-qaadkii uu u sameeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xamza ayaa markii uu hortagay Golaha Shacabka 25-kii Juun, si ay u siiyaan codka kalsoonida Golaha, ayaa wuxuu u ballan-qaaday Xildhibaanada inay u badnaan doonaan Golahiisa Wasiirada.

Xukuumaddii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka koobneyd 69 Wasiir, kuwaasi oo 63% ay ka yimaadeen Golaha Shacabka, halka Golaha Wasiirada 47% ay ka yimaadeen Bulshada qeybaheeda kale.

Xamza oo magacaaban in ka badan 40 maalmood ayaa weli soo dhisin Golahiisa Wasiirada, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu weli wado la tashiyadii ugu dambeeyay ee magacaabista xukuumadiisa.

Haddaba, Ra’iisul Wasaare Xamza ma fulin doona ballan-qaadkiisa? – Inkasta oo si rasmi ah loogu ogaan doono magacaabista xukuumadiisa ayaa haddana waxaa la rumeysan yahay in Xamza uu fahansan yahay in sida uu ka yeelo ballan-qaadkaasi ay halbeeg u noqon doonto ballan-qaadyadii dhowrka ahaa ee u sameeyay tan iyo markii la magacaabay.

Sidoo kale fallan-qeeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in Xamza uu qaadi doono jidkii hore u jeexna ee masuuliyiintii ka horeeyay, taasi oo ka dhigan in xukuumadiisa ay u badnaan doonaan xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ma aha wax ku cusub dhismaha xukuumadda in xubnaha ugu badan ay kasoo galaan Golaha Shacabka, marka loo eego xukuumadihii kala dambeeyay.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa looga fadhiya dhismaha xukuumad tayo leh, oo dardar-galisa howlaha culus ee horyaalla, islamarkaana meel-marisa hal-hayska iyo siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh.