Xildhibaan Sacdiiya Yaasiin Xaaji Samatar oo lagu daray liis caalami ah oo qiimo leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Reputation Poll International waxay soo bandhigtay liiska 100-ka qof ee ugu sumcadda badnaa qaaradda Afrika sanadka 2022-ka ee dhammaaday.

Shaqsiyaadka 100-ka ee ay hay’addu soo bandhigtay waxay isugu jiraan madax dowladeed, siyaasiyiin, shaqsiyaad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, waxbarashada, gancsiga iyo madadaalada.

Shaqsiyaadkaasi waxaa ka mid ah Sacdiiya Xaaji Samatar oo ah guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Waxayna hay’addu sheegtay shuruudaha shaqsiyaadkaasi lagu doortay iney tahay daacadnimada, saameynta ay bulshada ku leeyihiin iyo sida ay bulshada uga dhex muuqdeen.

Shaqsiyaadka kale ee liiska lagu soo daray ee ka soo jeeda dalka Kenya waxaa ka mid ah Amina Maxamed Jibriil wasiirka hore ee arrimaha dibadda Kenya, Martha Karau oo ah haweneyda keli ah ee u tartantay jagada madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya.

Dalka Itoobiyana waxaa liiska 100-ka ugu sumcadda badnaa Afrika 2022-ka uga jira  Madaxweynaha Itoobiya Sahle-werk Zewde, Wasiirka Caafiaamdka Itoobiya Lia Taddese iyo Warkineh Gabeyehu wasiirkii hore arrimaha dibadda Itoobiya.

Shaqsiyaadkaasi waxaa kale oo ka mid ah kuwa lagu soo xushay sumcadda ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin oo nolosha bulshooyinka qaaradda Afrka isbeddelka ku keenay isla-markaana shaqa abuur iyo ganacsiyo dad badan noloshooda baddalay sameeyey.

Ujeedka laga leeyahay Liiska ay soo saartay hay’adda Reputation Poll International waxaa lagu sheegay in la aqoonsado isla-markaana laga markhaati kaco shaqsiyaadkaasi 100-ka ah saameynta wanaagsan ee ay ku yeesheen qaaraddan Afrika iyo caalamka intiisa kalaba sanadki tagay.

Soomaaliya oo ay liiskan uga jirto Sacdiiya Xaaji Samatar oo ah guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga soo doortay dhanka hoggaanka siyaasadeed.

Waxayna si gaar ah ugu muteysatay iney tahay haweeneydi ugu horreysay oo guddoomiye ku xigeenka Koobaad ka noqoto Golaha Shacabka Dowladda Federaalka Soomaaliya isla-markaana buslahada dhexdeeda si weyn uga muuqatay.

Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddoomiye ku xigeenka koobaad sanadki tagay u doortay xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas loo doorto.

Sacdiya waxay horay xildhibaan uga soo ahayd baarlamaankii kan ka horreeyay ee 10-aad, iyadoo si weyn loogu xusuusto mucaaradnimadeedii dowladdii Farmaajo.

Waxay sidoo kale ka mid ahayd xildhibaannadii ugu firfircoonaa ee ugu doodaha kululaa baarlamaankii uu xilligiisu dhammaaday, haddii ay tahay dhanka u doodidda haweenka, mucaaradka iyo weliba saami-qaybsiga siyaasadda Soomaaliya oo ay dhaliili jirtay habka 4.5 iyo saamiga Aqalka sare ee beelaha.

Sacdiiyo waxyaabaha hadal haynta ugu badan Soomaaliya ka abuuray waxay ahayd hadal ay ka sheegtay baarlamaanka xilli laga doodayey sharci arrimaha jinsiga ku saabsan oo baarlamaanka la horkeenay.

Muddadi ay sacdiiyo baarlamaanka Soomaaliya ka midka ahayd waxaa sida oo kale lagu xusuustaa arrima ay ka mid yihiin Firimbigi ay Farmaajo ku yeedhisay, hadalki ahaa ‘You have to apologized’, iyo Gurigii ay 1500 oo doolar oo kiro ah ka bixiso ee ay sheegtay iney laba sano gelin.

Isha: BBC