Xog ku saabsan arrimaha ay isku raaceen isimada SSC iyo madaxda Puntland + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Isimida SSC ee muddooyinkii dambe ku sugna magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa faah-faahin ka bixiyey kulamadii ay halkaas ku yeesheen.

Isimida ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland iyo wasiiro ka tirsan maamulkaasi, kaasi oo looga wada-hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Kulankan ka dhacay Garoowe ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii uu saameeyay dagaalka socda, oo ay labada dhinac ku sheegeen inuu yahay xasuuq ba’an oo Somaliland ka wado halkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo qoraal kooban kasoo saaray kulankan ayaa waxa uu yiri “Waxaan kulan la qaatay Isimada dhaqanka SSC oo aan ka wada hadalnay xaalada guud ee deegaanada, si gaar ah xasuuqa baahsan ee Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood.”

Wararka ayaa sheegaya in socdaalka ay Isimida SSC ku tageen Garoowe uu qeyb ka yahay abaabul ciidan oo xooggan, kaasi oo ay u wadaan hab beeleed, iyada oo magaalada Laascaanood ay gaareen ciidamo gurmad ah oo ka yimid deegaannada Puntland.

Ciidamadaan oo watay gaadiidka dagaalka iyo hub fara badan ayaa waxaa la sheegay inay tegi doonaan furimaha dagaalka ee duleedka magaalada, halkaasi oo ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado Somaliland.

Isimida SSC ayaa inta ay joogaan caasimada maamulka Puntland ee Garoowe booqan doona dadkii kusoo dhaawacmay dagaalka Laascaanood ee lagu dabiibayo isbitaallada magaaladaasi.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer ku eedeysay maamulka Puntland in uu qeyb ka yahay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood, wallow uu maamulka Garoowe waxba kama jiraan ku sheego eedeymahaasi.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo toddobadyadii u dambeeyay uu ka socday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC ayaa waxaa lasoo sheegaya in xaaladda magaalada ay degan tahay.

Waxaa furan ganacsiyada qaar ee magaalada, sida; bakhaarada, maqaaxiyaha iyo hotellada, oo iyagu muddooyinkii dambe xirna, sidoo kale waxa furan dhawr kaalimood oo shidaal ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad deegaanka ah.

Ciidamada ayaa waxay isku hor fadhiyaan dhinaca waqooyiga ee magaalada Laascaanood, oo ka baxsan dhulka deegaanka, mana jirto waan-waan qeyb ka ah in uu qaboobo dagaalka.

#image_title