Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la helayaa xog hordhac ah oo la xiriirta baaritaanka shidaalka ee ka socda badda Soomaaliya, iyadoo ilo xog ogaal ah oo dhanka Turkiga ah ay sheegayaan in sahminta batroolka iyo gaaska ee ay wadday Dowladda Turkiga la gaaray heer gebo-gebo ah.
Xogta naga soo gaartay baaritaanka shidaalka ayaa sheegaysa in laba kamid ah ceelashii sahmintu ka socotay la soo geba-gebeeyey, halka ceelkii saddexaad uu baaritaanku wali ka socdo. Waxaa la filayaa in dhammaan baaritaannada la soo afjaro bisha Agoosto ee sanadkan.
Baaritaannada la sameeyey ayaa 90% muujinaya in gaas ganacsi noqon kara laga helay labada ceel ee hore, sida aan xogta ku helnay. Saadaal horudhac ah oo ay bixiyeen injineerrada mashruuca ayaa tilmaamaysa in mid kasta oo kamid ah ceelasha laga yaabo in laga helo ilaa 10 bilyan oo fuusto oo gaas ah oo ganacsi ahaan loo isticmaali karo.
Waxaa sidoo kale la sheegay in nooca gaaska laga helay iyo qiyaasta rasmiga ah la xaqiijin doono kaddib marka la furo dhammaan ceelasha la sahmiyey.
Natiijada rasmiga ah ee baaritaanka waxaa lagu ogaan doonaa sheybaarrada gaaska iyo shidaalka ee ku yaalla Turkiga.
Kaddib marka baaritaanku dhamaado laguna xaqiijiyo natiijada, waxaa la guda geli doonaa wejiga qoditaanka shidaalka Soomaaliya, iyadoo la saadaalinayo in arrintaasi dhacdo dhamaadka sanadkan.
Heshiiska shidaalka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa lagu saxiixay magaalada Istanbul 7-dii Maarso 2024, waxaana qalinka ku duugay Wasiirkii hore ee Shidaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, iyo Wasiirka Tamarta ee Türkiye, Alparslan Bayraktar.
Shirkadda Turkish Petroleum Corporation (TPAO) ayaa loo xilsaaray fulinta howlaha sahminta iyo soo saarista shidaalka.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiisku yahay mid dan u ah labada dal, kuna saleysan is-afgarad iyo faa’iido wadaag.
“Tani waa markii ugu horreysay ee taariikhda ay Soomaaliya si rasmi ah u baarayso kheyraadkeeda shidaal iyo gaas. Lama dhayalsan karo faa’iidada cidda ugu horreysa ee gasha. Iyada oo Turkigu nala garab taagan yahay, Soomaaliya waxay u socotaa inay noqoto dal ka duwan sida dunidu u aragto,” ayuu yiri madaxweynaha.
Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibedda, Cali Cumar, ayaa isna heshiiska ku tilmaamay mid albaab u furaya fursado ganacsi oo waaweyn, isagoo xusay inuu khuseeyo saddex qaybood oo keliya—kuwaasoo kamid ah 216 qaybood oo la rumeysan yahay inay shidaal ku jiraan xeebaha Soomaaliya.