27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Kulankii BF oo dib u furmay maanta – Maxaa dhacay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u furmay, kadib baaqasho ku timid dhowr jeer oo hore, sababo la xiriira xiisadda ka taagan Golaha Shacabka ee u dhexeysa guddoonka iyo xildhibaannada.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Cabdullahi Abshirow oo golaha la wadaagay go’aanno xasaasi ah.

Abshirow ayaa shaaca ka qaaday in haatan wixii ka dambeeya wax badan laga beddali doono jihada baarlamaanka, isla markaana si adag loogu dhaqmi doono xeerarka u degsan golaha, si looga gudbo caqabadaha soo laa laabtay ee saameeyay shaqadooda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baarlamaanka uu madax bannaan yahay, isla markaana aanu ku milmi karin hay’adaha fulinta ee dowladda.

“Golahaan isagaa u madax bannaan qaraaradiisa iyo go’aamadiisa, mana ahan inaan ku milano hay’adaha kale, waana in aan ilaalinaa midnimada Golaha” ayuu yiri Abshirow.

Waxaa kale oo uu ku baaqay in la ilaaliyo midnimada golaha iyo sharafkiisa, si aysan u dhicin dhibaato lamid ah tii todobaadkii hore ee buuqa ka dhalisay baarlamaanka.

“Haddaba xildhibaannada sharafta leh waxaa muhiim ah inaan ku dadaalno is ixtiraamid iyo is qadarin u qalma shacabka aan mataleyno, waana in waajibkeenna u gudano annaga oo indhaha ku ku hayno aayaha carruurteenna iyo mustaqbala dalka” ayuu sii raaciyay.

Intaas kadib xildhibaannada ayaa guda galay doodooda, waxaana maanta la horeeyay  Hindise-Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo ay ka doodeen mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Furitaanka kulanka baarlamaanka ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku maqan yahay dalka Aljeeriya, isaga oo khudbad ka jeediyay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ee ka socda caasimada dalkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News