Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa soo saaray qoraal uu ku eedeynayo BBC Somali, isagoo ka falcelinaya qormo ay ku daabaceen bartooda website-ka, taasoo ay kaga hadlayeen arrimaha Al-Shabaab.
BBC-da ayaa soo daabacday qoraal ay ciwaan uga dhigeen “Al-Shabaab oo ku sii siqaya deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Hiiraan,” ciwaankaas ayaana si weyn uga caraysiiyeyw wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
“Ku sii siqaya waa oraah ka fog xirfadda saxaafadda, gef ku ah sharafka iyo dhiigga ku baxaya difaaca dalka, gaar ahaan gobolka Hiiraan, isla markaana aysan ku jirin wax xikmad ah dhihideedda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa sheegay in hay’adda BBC ay arrintan sumcad-dil ku tahay, isla markaana ay ka fogeyneyso dadka reer Hiiraan ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
“Hay’addan BBC-da oo ah hay’ad fac weyn oo dadka Soomaalidu muddo ku xirnaayeen, waxay qormooyinka noocaan ah ku luminaysaa kalsoonida dadka Soomaaliyeed ee halganka xaqa ah kula jira khawaarijta,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Fiqi oo talo siinayey BBC-da ayaa yiri: “Waa waajib inay ilaaliyaan dareenka dadka Soomaaliyeed, ayna iska jiraan inay kooxaha argagixisada buunbuuniyaan, weliba si been ah.”
Haddaba, maxaa ka socda gobolka Hiiraan?
Waxaa sii kordheysa dhiillada colaadeed ee ka jirta deegaanada bari ee gobolkaas. Kooxda Al-Shabaab ayaa dib u soo abaabushay weerarradii ay ku hayeen dadka reer Hiiraan.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ee gobolka Hiiraan ayaa dhankooda xirtay difaacyo adag, waxaana ciidamadii ugu badnaa caawa la isugu geeyey degmada Moqokori oo ah goobta ugu muhiimsan, si looga difaaco cadowga.
Hoos ka eeg ciwaanka BBC-da ay qortay ee Wasiir Fiqi ka falceliyey.