24.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

Faah-faahinta dil laba qof loogu geystay Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Hargeysa, taasoo sababtay dilka laba qof oo rayid ah.

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa toogtay labada ruux kadib markii uu ismaan-dhaaf ka dhashay goob macdan laga qodayey oo ku taalla deegaanka Agabar ee gobolka Maroodijeex.

Isku dhaca ayaa yimid kadib markii dad deegaanka ah ay ka mudaaharaadeen shirkad muddo khilaaf kala dhexeeyey oo halkaas ka waday hawlo macdan qodis ah. Rabshadahan ayaa sababay in ciidamada booliisku rasaas furaan taasoo keentay dhimashada labada qof.

Xukuumadda Somaliland ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay hawlaha shirkadda, iyadoo Madaxweyne ku-xigeenku bixiyey amar lagu joojinayo shaqada ilaa amar dambe laga soo saaro.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi u diray ehellada dadkii dhintay, isagoo sidoo kale ku dhawaaqay in guddi loo saaray xalinta shaqaaqadan.

“Alle ha u naxariisto labada marxuum, qoysaskii ay ka geeriyoodeenna samir iyo iimaan ha ka siiyo. Waxaan ugu baaqayaa dadka deegaanka in ay nabadda ilaaliyaan. Sidoo kale, xukuumaddu waxay arrintan u saartay guddi xal waara keena, insha’Allaahna nabad ayay ku dhammaan doontaa,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Dilka labada qof ayaa sababay bannaanbaxyo ka dhacay magaalada Hargeysa, halkaas oo dadku uga dalbadeen dowladda in ay wax ka qabato dhibaatooyinka booliiska iyo in la joojiyo adeegsiga awooda muddada ay mudaharaadyadu socdaan.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Cirro iyo xisbigiisa Waddani ay hore si adag u cambaareyn jireen adeegsiga xoogga booliiska intii ay mucaaradka ahaayeen. Hase yeeshee, tan iyo markii ay xukunka la wareegeen, afar qof ayaa booliisku toogasho ku dilay.

Dadka u ololeeya dib-u-habaynta ciidamada booliiska ayaa ku baaqaya in la siiyo tababarro gaar ah oo la xiriira maaraynta mudaharaadyada iyo ilaalinta muwaadiniinta. Waxay sidoo kale dalbanayaan in hoggaanka ciidamada booliiska loo dhiibo saraakiil leh xirfado milatari.

- Advertisement -

Read more

Local News