28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

DF oo soo saartay amar deg deg ah oo la xiriira Lughaya iyo degmooyin ka tirsan Awdal

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsaday xaaladda gobolka Awdal, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimo ee ka jira Lughaya, Saylac iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Kulankan oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa looga hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay ee gobolka Awdal, iyada oo warbixin ku saabsan sameynta abaarta iyo heerarka ay gaarsiisan tahay laga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hey’adda Sodma, kuwaas oo soo bandhigay wax yeellada abaarta ay gaarsiisey dadka, xoolaha iyo wax-soo saarka.

Xamza Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa faray hey’adaha dawladda ee ku shaqada leh in ay u istaagaan wax-ka qabashada xaaladda abaarta xooggan ee ka jirta deegaannadaasi iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa bulshda, iyada oo goluhu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hey’adaha caalamiga ah in ay qeyb ka noqdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatay.

Intaas kadib golaha golaha wasiirrada, ayaa ansixiyey heshiis is afgarad ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada XFS, kaas oo  u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan oo mid muhiim ah ayaa taabanaya skaashiga shaqada ee labada dhinac iyo shaqo-siinta iyo horumarinta awoodaha shaqaalaha.

Dhanka kae, golaha ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS ugu hambalyeeyay in uu ku guuleystay abaal marinta Wasiirka Maaliyadda ugu wanaagsan Qaaradda Afrika, taasi oo ka tarjumaysa horumarka uu dalkeennu ka gaaray hannaanka dib-u-habeynta maamulka maaliyadda.

Wasiir Biixi ayaa abaalmarintan lagu siiyay muddadii laba sano ahayd ee uu xilka hayay, taasoo uu ku hoggaamiyay Wasaaradda Maaliyadda hannaan hufan, isla markaana uu dadaal ballaaran geliyay dib-u-habeynta maaliyadda dalka.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta oo ku guulaysatay in ay dalka ka hirgaliso Warlalis Casri ah (MEDIA SATELLITE TELEPORT), kaas oo u suurtagaliyay Warbaahinta Qaranka in ay tayayso adeegyadeeda Warbaahineed.

- Advertisement -

Read more

Local News