Ceelbuur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta dagaal beeleed xoogan uu dib uga qarxay deegaano ka tirsan gobolkaasi.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Meersiis oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu daba socday dilal dhawan ka dhacay meel u dhow deegaankaasi.
Tan ayaa sababtay in xiisaddu cirka isku shareerto oo uu qarxo dagaal toos ah oo u dhexeeya laba beelood oo kasoo kala jeeda deegaanada Guriceel iyo Ceelbuur.
Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, kuwaas oo isugu jira labada dhinac ee dirirtu u dhaxeyso iyo dad shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan toban ruux oo kale.
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo ku aadan dagaalka dib uga qarxay deegaanada gobolka Galgaduud.
Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa-laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe.
Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka.

