Istanbul (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa ka mid ah saraakiisha sare ee ka qayb galaysa Bandhigga Caalamiga ah ee Hubka iyo Tignoolajiyada Milatariga ee IDEF 2025-ka.
Bandhiggaas ayaa ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo lagu soo bandhigay hub culus iyo gaadiid dagaal.
Bandhiggan oo ah mid sannadle ah oo lagu soo bandhigo tignoolajiyada ugu dambeysa ee dhanka difaaca iyo qalabka milatariga, ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya.
Saraakiishaan ka socda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay fursad muhiim ah u tahay Ciidanka Xoogga Dalka oo u baahan in ay helaan aqoon iyo agab kor u qaada awoodda iyo tayada ciidanka.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya ayaa sheegay in ka qeybgalka Soomaaliya ee bandhiggaan uu yahay mid astaan u ah dib u dhiska ciidanka qaranka.
Wuxuu sheegay in iskaashi lala sameeyo dowladaha iyo shirkadaha horumaray ay muhiim u tahay sugidda amniga iyo difaaca qaranimada, isla markaana ay Soomaaliya muhiimad gaar ah siineyso taas.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa ku hawlan dadaallo lagu horumarinayo ciidamada, si ay uga jawaabaan khataraha amni ee dalka ka jira.
Ciidamada Qaranka ayaa xiligaan dagaal socda ku dhowaad 20 sano kula jira kooxaha argagixisada ah, sidoo kale waxaa mar kasta la filan karaa in Soomaaliya uu soo wajaho duulaan dowlado kale uga yimaada.


