28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Itoobiya oo dooneysa in la baaro 4 shirkado Somali ah oo ka jira Mareykanka + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Bankiga Qaranka ee Itoobiya ayaa ku baaqay in baaris lagu sameeyo afar shirkadood oo fadhigoodu yahay Mareykanka. Bankigu wuxuu sheegay in shirkadahan maaliyadeed ay isku dayayaan inay wiiqaan nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya.

Qoraal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay magacyada afarta shirkadood ee lagu eedeeyay inay shaki geliyeen aaminaadda nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya, kuwaasoo la sheegay inay ka howlgalaan gobollada Maryland, Virginia iyo Minnesota.

Sida lagu sheegay qoraalka: “Shirkadahan lacagaha xawila waxay ka ururiyaan lacagaha jaaliyadaha Itoobiyaanka ah ee ku nool Mareykanka, kadibna waxay u diraan Itoobiya iyo dalal kale.”

Bankigu wuxuu sheegay in “shirkadahan ay xalaaleeyaan lacago sharci-darro ah, isla markaana ay maalgeliyaan howlo aan sharci ahayn.”

Doollarka Mareykanka ayaa ah lacagta ugu badan ee la geeyo dalka Itoobiya marka la eego lacagaha qalaad ee dalka soo gala.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dayeysa inay saxdo nidaamka sarrifka, iyadoo laga bilaabay sanadkii hore qorshe lagu xakameynayo lacagaha qalaad ee suuqa madow.

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in go’aankan uu kordhinayo kaydka sarrifka ee dalka, balse qiimaha suuqa madow ayaa sidoo kale kor u qaadi doona nidaamka.

Dhinaca kale, Bankigu wuxuu dacwad ka gudbiyay afar shirkadood oo fadhigoodu yahay Mareykanka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay xawilaan lacago. Afarta shirkadood ayaa lagu sheegay:

  • Shgey Money Transfer — Silver Spring, MD, iyo Falls Church, VA
  • Adulis Money Transfer — Falls Church, VA, iyo Silver Spring, MD
  • Ramada Pay (Kaah) — Falls Church, VA
  • TAAJ Money Transfer — Minneapolis, MN

Bankigu wuxuu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha ay khuseyso inay taageeraan baarista lagu sameynayo shirkadahaan. Waxa uu sidoo kale ka codsaday jaaliyadaha Itoobiya ee ku nool dibadaha inay joojiyaan xiriirka ay la leeyihiin shirkadahaan.

“Waxaan si adag ugu talinaynaa in lacagaha loo diro dadkooda ay marsiiyaan xawaaladaha lagu kalsoonaan karo ee sharciyeysan,” ayaa lagu yiri qoraalka Bankiga.

Bankigu wuxuu sheegay inuu sii wadi doono baarista, iyadoo tallaabooyinka uu qaadayaa ku saleysan doonaan baahida jirta.

“Waxaan ka codsaneynaa maamulka sharci fulinta ee aaggooda ay shirkadahaan ka howlgalaan inay nala shaqeeyaan,” ayaa lagu yiri qoraal uu Bankiga Qaranka ee Itoobiya soo dhigay bartiisa X.

Bankigu wuxuu ka digay in lacagaha la soo marsiiyo shirkadahaan ay sababi karto tuhun ah in hanti sharci-darro ah la doonayo in la xalaaleeyo.

“Waxaa muhiim ah in lacagaha la isugu diro waddamada lagu sameeyo si waafaqsan nidaamka sharciyeed ee maaliyadeed, iyadoo la xaqiijinayo nidaamka kormeerka si loo yareeyo khatarta lacagaha sharci-darrada ah iyo maalgelinta argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka Bankiga.

Bankigu wuxuu sidoo kale sheegay in aysan jirin wax damaanad ah oo xaqiijinaya in lacagaha loo diro dadka la rabo ay gaaraan si ammaan ah.

Ugu dambeyn, Bankigu wuxuu ku baaqay in la adeegsado xawaaladaha sharciyeysan ee uu magacaabay.

Waxaan isku daynay inaan jawaab ka helno shirkadda TAAJ oo lagu magacaabay warbixinta, hase yeeshee masuuliyiintii aan la xiriirnay way ka gaabsadeen inay jawaab ka bixiyaan. Sidoo kale, waxaa noo suurageli weyday inaan helno jawaab ka timid shirkadda Kaah oo iyadana lagu xusay qoraalka.

Isha: BBC

- Advertisement -

Read more

Local News