Muxuu yahay qorshaha Fiqi iyo Muungaab ay Sh/Dhexe ka billaabeen? (Daawo)

Bookmark
Bookmarked

Share

Raagaceelle (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe, masuuliyiin kale iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo qorshuhu yahay in halkaas ay ka abaabulaan dagaal ka dhan ah argagixisada soo gashay Shabeellaha Dhexe.

Wafdigaan oo ku hormaray deegaanka Xaaji Cali oo hoos taga degmada Cadale, ayaa u sii gudbay degmada Raagaceelle, iyagoo galabta uga sii gudbay tuulooyinka hoos taga oo caawa ay ku hoyanayaan.

Wafdigaan ayaa qeyb qeyb kula kulmaya ciidamada deegaanka oo aad u abaabulan, kuwaas oo ku kala sugan dhowr deegaan, iyagoo maalmaha soo socda ku sii sugnaa doona furimaha, kana Dardar geli doona dagaalka.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macalin Fiqi, oo hoggaaminaya wafdiga ayaa fagaare kula hadlay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, isagoo yiri, “Khawaarijta waa dad tabar daran oo ugu talagalay inay naftooda halligaan, dhawaana waa laga saari doonaa goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, waan aragnaa inaad u diyaarsan tihiin.”

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa ciidamada iyo bulshada deegaanka u sheegay in qorshaha ay u tageen gobolka uu yahay inay hoggaamiyaan howlgalka โ€œAdkeysi badan ayaad sameyseen, waana difaacateen deegaankiina, hadana waxaan diyaar u nahay inaan idin hor kacno,โ€ ayuu yiri Fiqi.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab oo kamid ah masuuliyiinta la hadashay ciidanka ayaa yri, “Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka waxaan la garab taaganahay naf iyo maalba, dadkaan waxaan ku hoggaami doonaa in deegaanada ka maqan ay ka xoreystaan cadowga, anagoo wakiil ka ah dowladda federaalka.”

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Maxamuud Masdile oo wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga iyo Duqa Muqdisho uga warbixiyey xaaladda furimaha iyo diyaar-garowga Ciidamada, isagoo sheegay in saacadaha soo socda ay u diyaarsan yihiin inay dhaqaaqaan oo cadowga wajahaan.

Intaas kadib guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Muungaab ayaa ciidamada ku wareejiyey 20 neef oo Geel ah oo uu ugu tala galay in loo qalo, waxaana aad ugu mahadceliyey saraakiisha ciidamada deegaanka.

Hoos ka daawo

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News