Laascaanood (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa goordhow doortay Madaxweynaha cusub ee maamulkas, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana kusoo baxay Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) oo maamulkan kasoo saaray kumeel-gaarnimada.
Doorashada oo ahayd mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamay illaa 5 musharrax, waxaase waeegga labaad usoo gudbay Cabdulqaadir Firdhiye iyo Cabdirsiaaq Khaliif oo isagu inta aanu bilaaban tartanka wareegga labaad isaga baxay hoolka, kadib markii uu musharrax Jamaal Maxamed Xasan codadkiisii u wareejiyay dhanka Firdhiye, hayeeshee codeynta oo uu sii waday Baarlamaanka ayaa waxaa ugu dambeyn cod aqlabiyad leh kusoo baxay Cabdulqaadir Firdhiye oo mar kale 5 sano ee soo socoto hoggaamin doono maamulka.
Sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaanka Madaxweynaha cusub ee la doortay Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) ayaa helay 62 cod, halka musharraxa kale ee laga adkaaday uu iska helay 18 cod. “Madaxweynaha dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee 5-ta sanno ee soo socota waa Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye)” ayuu yiri guddoomiyaha oo ku dhawaaqay natiijada doorashada.
Guusha Firdhiye ayaa si weyn loo dareemay, waxaana durbo Laascaanood ka bilowday dabaal-degyo waawayn oo lagu soo dhaweynayo doorashada uu kusoo baxay Firdhiye.
Hoggaamiyahan oo hadda ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa waxaa gadaal ka reexeysay Villa Somalia oo galaangal xooggan ku leh doorashada Waqooyi Bari.
Dhinaca kale waxaa isna madaxweyne ku xigeenka maamulka Waqooyi Bari loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) oo isna kusoo baxay cod aqlabiyad leh, kadib markii ay soo xaadiri waayeen musharrixiintii kale ee isku diiwaangeliyay doorashada maanta.
Abwaan ayaa helay 65 cod, kadib markii la sameeyay codeyn gacan taag ah, sida uu sheegay guddoomiye Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan oo ku dhawaaqay natiijada.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo xalay bandow xooggan lagu soo rogay guud ahaan Laascaanood, inta ay socoto doorashada, si loo sugo amniga guud. Ciidamada ayaa sidoo kale isku wareejiyay goobta ay ka dhaceyso doorashada iyo waddooyinka muhiimka ah, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada.