31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka Kismaayo – Yuu u dhaxeeya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ku dhexmaray ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo kooxda Al-Shabaab duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka Danab ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada la weeraray ay horay u heleen xog muujinaysa qorshaha duullaankaas, isla markaana dagaal xooggan ay kala hortageen maleeshiyaadka kooxda.

Dagaalkan waxaa barbar socday duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, maadaama saraakiil Ameerikaan ah ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamadan sida gaarka u tababaran ee kumaandooska Danab.

Inkasta oo aan weli la helin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka, sababo la xiriira xogaha oo xaddidan, haddana waxaa la filayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska howl-gallada Mareykanka ee AFRICOM, Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Jubbaland oo ku saabsan dagaalka maanta dhacay.

Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku sugan ciidamo kooban oo ka tirsan Danab, halka meel u dhowna saldhig ku leeyihiin ciidanka Daraawiishta Jubbaland. Isla xeradaas waxaa sidoo kale ku sugan saraakiil iyo askar kooban oo Mareykan ah oo la shaqeeya ciidanka Danab.

- Advertisement -

Read more

Local News