28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Haweeneydii ka dambeysay dilka Saabiriin Saylaan oo toogasho lagu xukumay

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta xukun adag kasoo saartay kiiska Marxuumad Sabiriin Saylaan Cabdille oo 14 sano jir ahayd, taas oo si arxan darro ah loogu dilay gudaha magaaladaasi.

Maxkamadda oo fadhi labaad ka yeelatay kiiskan oo xasaasiyad wayn abuuray ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye ina Xaawo Xasan 34 sano jir ah oo lagu helay dilka Saabiriin Saylaan Cabdille Wees.

Sidoo kale aabaha qoyska oo lagu magacaabo Cabdicasiis Nuur Xaashi Calas ina Ardo Maxamed Cali 65 sano jir ah ayay maxkamaddu sheegtay inay ku waysay inuu dilka wax ka galay, balse waxaa lagu helay dacaayad masuuliyadeed waxaana lagu xukumay 1 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500 oo dollar.

Inta ay socotay maxkamadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay caddeymo ay ku jiiraan muuqaallo muujinayo sida arxan darrada ah ee loo dilay gabadha yar, taas oo gilgishay quluubta dadka Soomaaliyeed, kadib markii xeer ilaalintu ay soo bandhigtay, sida ay wax u dhaceen.

Xukunkan ayaa si weyn loo sugayay, waxaana soo dhaweeyay ehellada marxuumadda oo cadaaladda dhowrayay, waxaana maydka gabadhooda uu weli yaal isbitaaka Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale, si weyn dhacdadan isha ugu haysay warbaahinta oo si dhow usoo tabineysay tan iyo markii la dilay Saabiiriin oo ahayd gabar yar oo 14 sano jir ahayd.

Magaaada Gaalkacyo ayaa si weyn maanta looga dareemay culeyska kiiskan, waxaana inta badan la xiray waddooyinka magaalada, iyada oo shacabka ay isa soo tubeen waddooyinka, si ay u arkaan halka uu ku dhammaado kiiskan oo ugu dambeyn dil kusoo idlaaday maadaama la qisaasayo Hodan Maxamuud oo lagu helay inay ka dambeysay falkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News