26.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 2, 2026

Swan oo la kulmay Dhuxulow kadib cabashadii Puntland + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa UNSOS, James Swan iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, halkaas oo uu kula kulmay agaasime Mustafa Dhuxulow, iyada oo kulanka uu kusoo aaday maalin uun kadib markii ay Puntland beesha caalamka u gudbisay cabasho la xiriira xildhibaannadii loo diiday inay u safraan gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Saciid Deni oo ka carooday tallaabadaas ayaa si toos ah dhacdadan ugu wargeliyay hay’adaha caalamiga ah ee duulimaadyada, isaga oo shaaca ka qaaday in waxa dhacay ay yihiin ‘fal dambiyeed dil ah’, maadaama hawada laga celiyay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo saarnaa diyaaradda ku socotay Garoowe.

Inkastoo kulanka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Dhuxulow iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee  Soomaaliya ahna Madaxa UNSOS, James Swan aan si toos ah loogu soo qaadin dhacdada ayaa waxaa haddane labada dhinac waxay si guud uga wada-hadleen shaqada ay hayso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasime Mustafa Dhuxulow ayaa la wadaagay wafdiga horumarradii ugu dambeeyay ee Hay’adda ee dhinaca adeeg bixinta, oo ay ka mid yihiin hirgelinta maaraynta amniga xuduudaha, casriyeynta adeegyada danabaysan ee hay’adda sida dal-ku-galka (ETAS), dalku-jooga iyo adeegyada baasaboor bixinta.

Sidoo kale wuxuu xusay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu tayeynayo adeegyada, lagu xoojinayo hufnaanta, isla markaana lagu waafajinayo nidaamka socdaalka heerarka casriga ah.

Dhankiisa Danjire James Swan ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud soo dhaweynta diirran iyo wada shaqeynta dhow oo ay la leeyihiin hay’adda. Waxa uu sidoo kale uu bogaadiyay nidaamyada cusub ee la hirgeliyay, isaga oo muujiyay inay si wanaagsan u soo dhoweynayaan horumarka lagu sameeyay casriyeynta iyo sugnaanta nidaamyada socdaalka.

Waxaa kale oo uu la wadaagay arrimo la xiriira xaaladaha dal-ku-galka iyo deggenaanshaha ee shaqaalaha Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan shaqaalaha kala duwan ee ka howlgala dalka.

Maalmihii dambe Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa wadday dadaallo hormurineed oo ku aadan adeegyada ay bixiso hay’adda, waxaana ay gaartay guullo waa wayn oo la taaban karo, maadaama la casriyeeyay adeegyada.

- Advertisement -

Read more

Local News